Wednesday, July 16, 2025

Maalintii labaad oo la xiray Wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho & Sababta oo la ogaaday

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maalinti labaad xiray wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda, gaar ahaan jidka weyn ee Maka Almukarama.

Saaka ayaa la xiray laga bilaabo Isbitaalka Banaadir iyo Madaxtooyada Soomaaliya, taasoo dhalisay in dadweyne fara badan ay gaadiid la’aan noqdaan, qaarna ay gaari waayeen goobihii waxbarashada iyo ganacsiga. markii ay ciidamada joojiyeen isku socodkii gaadiidka, iyadoo la ogolaaday inay dadku lugeeyaan oo kaliya.

Shalay ayay ahayd markii ciidamada dowladda ay sidan oo kale u xireen wadooyina dhowr ah, taasoo ay ugu wacneyd aaskii Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo madax sare ay ka qeyb galayeen , balse dad badan ay u dhibtoodeen, kuna xayirmeen wadooyinka.

Sababta saaka loo xiray wadooyinka Muqdisho ayaa lagu sheegya in Ra’iisul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble uu kormeer ku tegayo Isbitaallada Banaadir, Yardemeli iyo Martiini iyo goobo kale.

Dadka Muqdisho ayaa dhibane u ah madaxda dowladda Federaalka oo socodkooda magaalada Muqdisho gudaheeda uu keeno inay istaagto isu socodka iyo ganacsiyadooda, iyadoo aan cidna ku wargelin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo ana weli dhisin Golihii Wasiirada ayaa bilaabay kormeer uu ku tegayo xarumaha dowladda, isagoo shalay tegay Taliska Booliska.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON