Maalqabeenka ugu taajirsan dunida oo ah Madaxa shirkadda Amazon ganacsiga Internet-ka Jeff Bezos ayaa shaaciyey gargaar u bixinayo lacag dhan 2 bilyan oo doolar, tasoo lagu caawinayo dadka guryo la’aanta iyo iskuullada.
Ninka ugu taajirsan dunida ayaa tallaabadan qaaday isaga oo Twitterka ku shaaciyay, wuxuuna sheegay in hay’addiisa samafalka ee mashruucan fulin doonto loo bixinayo “Day One Fund”.
Bezos ayaa la sheegay in uu haysto dhaqaale ka badan 164 bilyan oo doolarka Maraykanka ah, waxaana hore loogu dhaliilay inuusan wax badan ka geysanin arrimaha gargaarka iyo kaalmada oo kaliya uu yahay daneyste faa’iido doon ah.
Bernie Sanders oo ah Senater Maraykan ah ayaa dhaliilay xaaladda ay ku shaqeeyaan shaqaalaha ka hawlgala bakhaarrada ay leedahay shirkadda Amazon. Bezos ayaa dadka Twitterka isticmaala waydiiyay talo ku saabsan sidii uu u adeegsan lahaa hantidiisa gaarka ah, dhaqaalihiisa ayaana sare u kacay ka dib markii ay kor u keceen qiimaha saamiyada Amazon isla markaasna la dhimay canshuurihii Maraykanka.
Khamiistii ayuu sheegay in hay’adda “Bezos Day One Fund” ay dhaqaale ku kabi doonto hay’addaha aan ribix doonka ahayn ee haddaba caawiya qoysaska hoy la’aanta ah, islamarkaasna uu iskuullo u dhisi doono bulshooyinka uu soo galo dhaqaalaha yar.
— Jeff Bezos (@JeffBezos) September 13, 2018