Warbixin yaab leh oo laga qoray Weerarkii Ciidamada Dowladda ku qaadeen Beerta Aden Cadde [Akhriso]

Wargayska The Guardian ayaa qoray Warbixin uu kaga hadlayo ciidamo Maraykan iyo Soomali isugu jiray oo u dhacay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya, ”iyagoo ay dhici karto inay ku socdeen xog sirdoon oo khaldan”.

Wuxuu sheegay in ciidankii guriga jabiyey uu la socday ugu yaraan “hal qof oo ajnabi ah”. Mid ka mid ah saraakiisha sirdoonka ee Soomaaliya, oo si toos ah wax uga ogaa hawlgalkan ayaa isna sheegay in “”xog sirdoon oo khaldan ay jirtay intaan la qaadin iyo intii uu socday weerarka lagu qaaday guriga madaxweynihii hore”.

Il-wareed ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wargayska u sheegay in “bartilmaameedka uusan ahayn guriga madaxweynihii hore, Aadan cabdulle. Kani wuxuu ahaa hawlgal ay qaadeen ciidan gaar ah oo Soomaali ah, waxaana la socday la taliyeyaashooda Ameerikaanka ah. Xoogaggaas waxay daba socdeen xubin ka tirsan koox argagixiso oo u cararay dhinaca guriga madaxweynihii hore, laakin ciidankaas waxay si khaldan u weerareen guriga oo qoyska ay ku nool yihiin” ayuu il-wareedkaas sheegay.

Isla qofkaas wuxuu u sheegay wargayska in ra’iisul wasaare Khayre uu qoyska u sheegay in la baarayo arrinka, dhawaanna la sii deynayo 3 wiil oo dhallinyaro ah oo la kaxaystay.

Gaashaanle Karl Weist oo ah afhayeenka taliska ciidanka Maraykanka ee Afrika ayaa u sheegay wargayska The Guardian in ciidanka Ameerikaanka uu doorkoodu yahay “la talin iyo caawin”, ayna bahwadaag kula yihiin ciidanka Soomaalida sidii loo kala dhantaali lahaa oo loo wiiqi lahaa hawlgallada Al Al Shabaab ee “Wagaante” oo halkaa u dhow, oo uu ula jeeday deegaanka Waagaade, habeennimadii 4 Siteembar 2018.

“Hawlgalka waxaa lagu bartilmaameedsanayey shabakadda qaraxyada ee Al Shabaab. Ciidanka Maraykanka kaalintooda waa kaalmo kaliya” ayuu yiri.

HALKAN KA AKHRISO WARBIXINTA WARGEYSKA OO DHEER

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

108,371FansLike
568FollowersFollow
2,500FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

TOP NEWS

108,371FansLike
568FollowersFollow
20FollowersFollow
2,500FollowersFollow

Wararkii Maanta

error: Content is protected !!