Wasiirada Arrimaha Bani’aadantinimada ee Maamul Goboleedyada Dalka oo ku shiray magaalada Baydhaba ayaa ka dalbaday dowladda Federaalka inay u fasaxdo lacag ku dhw 10 Milyan Dollar oo loogu taloglay gargaarka abaaraha, lagana helay dalka Imaaradka Carbata.
Qoraal ay kasoo saareen shirkooda ayey ku sheegeen in dowladda Soomaaliya aysan weli bixin lacag dhan 9.6 milyan oo doollar oo loogu talagalay gargaarka bini’aadantinimo, taasoo ay ku deeqday dowladda Imaaraadka Carabta.
Kulankan oo 3 maalmood u socday Wasiirrada Arrimaha Bani’aadminnimada ayey ku ogeysiiyeen dawladda federaalka xaaladda abaaraha iyo in degdeg loogu baahan yahay lacagtaasi si wax looga qabto.
Dawladda Soomaaliya ayaan weli ka jawaabin baaqa kasoo yeeray wasiirrada gargaarka bani’aadaminnimo ee maamul goboleedyada. Dhinaca kale, mas’uuliyiinta gargaarka ee heer maamul goboleed ayaa sheegay inay maalin walba xaaladda bani’aadaminnmo ee dalka ay sii adkaanayso.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in hay’adaha gargaarku ay ka digeen in macluul ka dhici karto meelo ka mid aha waddanka bilaha October iyo December haddii aan la helin gargaarka looga hortago dhibaatada bani’aadaminnimo.
Wasiirrada arrimaha bani’aadaminnimo ee heer maamul goboleed ayaa dhinaca kale ugu baaqay hay’adaha gargaarka caalamiga ah inay diiradda saaraan meelaha ay adag tahay in la gaaro si loo caawiyo dadka dhibaataysan, waxna looga qabto barakaca dadka ee goobahaas.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo shalay uun la shaaciyey heshiis laga gaaray qeybsiga Kabka Miisaniyadda ee Bankiga Adduunka oo khlaadfka ka dhex dhaliyey dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada daka.
