Wednesday, October 5, 2022

Muqdisho: Booliska oo toogtay Nin Bistoolad ku hubeysanaa iyo Nabaddoon la dilay

Ciidamada Booliska magaalada Muqdisho ayaa toogasho ku dilay Nin Bistoolad ku hubeysan oo la sheegay inuu ku howlanaa fal dil ah oo uu doonayey inuu ku beegsado askari iyo qof shacab ah.

Ciidamo Boolis ah oo Roondo ku jiray degaanka Weydow ee magaalada Muqdisho ayaa toogtay ninkan, waxayna dhigeen goobtii uu ku sugnaa, iyadoo dusha ka saaray Bistooladii uu watay.

Taliyaha Qeybta Galbeed ee Booliska Gobolka Banaadir Yaasiin Ganey ayaa sheegay inay ciidamada Booliska toogteen ninkan Bistoolada ku hubeysnaa xillki u urabay inuu dil geysto, ayna dhigeen bartii uu falka ka fulin rabay.

Ad

Dhinaca kale dabley ayaa degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho Galabta maqribkii ku dilay Nabaddoon lagu magacaabi jiray Xuseen Xaayow Xalane oo u dhintay rasaastii lagu furay.

Dableydii dilka fulisay ayaa baxsaday, wuxuuna Marxuum Nabaddoon Xuseen Xaayow ka mid ahaa waxgaradka ka soo jeeda Gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,001FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
6,002FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON