Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa cambaareeyay faragelin uu sheegay in lagu hayo Doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.
Qoraal xalay xilli dambe kasoo baxay Golaha oo afar madaxweyne maamul goboleed ka kooban ayaa dhinaca kale soo dhoweeyay go’aankii qaar ka mida Guddiga doorashada Koofur Galbeed isku casileen, iyagoo ku dooday in ku dhowaad 100 ka tirsan Xildhibaanada K/Galbeed la geeyay magaalada Muqdisho.
Qoraalka Golaha oo saacado kooban kadib soo baxay markii qaar ka mida Guddiga Doorashada K/Galbeed is-casileen ayaa kashifay tuhun ahaa inuu arrintan ka danbeeyay madaxweyne Shariif Xasan oo la sheegay inuu dadaal ugu jiro dib u dhac ku yimaada doorashada maamulkiisa.
HOOS KA AKHRISO