Khilaaf ku saabsan qeybsiga qeyb ka mida kheyraadka dalka ayaa ka dhex qarxay dowladda Federaalka iyo laba ka mida maamulada dalka ka jira.Khilaafkan ayaa salka ku haya heshiis fashilmay oo la doonayay in dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ay ku wadaagaan dhaqaalaha laga helo shatiyada la siiyo maraakiibta kalluumeysiga ee ajnabiga ah.
Waxaa arrintan qarxiyay wasiirka kalluumeysiga xukuumadda Soomaaliya kadib markii uu ka baaqday shir ka dhacay jasiiradda Sycheles oo ku saabsan dhaqaale qeybsi ay dowladda iyo maamulada dalka ka gaaraan shatiyada la siiyo maraakiibta kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa ku eedeeyay maamulka Puntland inay dalbatay qeyb la mida tan la siinayo dowladda Federaalka, taasina ay keentay in dowladdu qaadacdo shirka Sycheles, laakiin waxaa jawaab kulul bixisay Puntland oo faahfaahin ka bixisay qaabka ay wax u dooneysay.
Golaha Wasiirada maamulka Jubba ayaa arrinta cirka ku shareeray markii la saftay Puntland, waxayna eedeyn u jeediyeen dowladda Federaalka oo ay ku hanjabeen in maamulkoodu xaq u leeyahay inuu iskiis uga fa’iideyso kheyraadkiisa inta heshiis loo dhan yahay laga helayo.
Arrintan noqoneysa khilaafkii ugu horeeyay ee maamuladan kala hor yimaadaan dowladda Federaalka iyo dib u soo nooleyneysa is-baheysigii maamulada Puntland iyo Jubba ee ka dhanka ahaa dowladda Federaalka ee Muqdisho, inkastoo muddooyinkan danbe ay ballanqaadeen inay la shaqeynayaan dowladda Madaxweyne Farmaajo.
Goobjooge.com