Koox hubeysan hubeysan ayaa maanta degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha hoose toogasho ku dishay Maamule Iskuul oo magaalada Afgooye.
Kooxda oo ku hubeysneyd Bistoolado ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Iskuulka Daarul Amal ee degmada Afgooye, waxayna halkaasi ay kala soo baxeen maamulaha Iskuulka oo kadib ay ku toogteen bannaankiisa.
Ninka Maamulaha ah ee la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Mahad Cabdulle, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa ka dambeysay iyo cidda dilkaasi geysatay, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.
Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye waxaa si weyn uga howlgala kooxda Daacish oo ku soo biirtay dilalka khaarijinta ah.