Monday, July 14, 2025

Maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe oo amarro cusub ku soo rogay Warbaahinta

Amar kasoo baxay Maamulka Gobollada Dhexe ee Ahlu suna oo uu hogaamiyo Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa shalay lagu wargeliyay idaacadaha ka howlgala degmada Guriceel iyagoo loo sheegay inay fuliyaan amarkaasi oo ku saabsan:

1: Inaysan baahin karin Wararka Maamulka Galmudug.

2: Inaan la baahin karin goosgoosyo wacyi gelin ahaa ku saabsan  dowladda Soomaaliya.

3: Inaan la iidheh loo sameyn karin Goob Caafimaad oo aan Maamulka ruqsad ka heysan

Arrintan oo dood ka dhex dhalisay maamulka Idaacadaha Radio Galgaduud iyo Star FM ee Guriceel ka furan  ayaa ku dooday in amarradan ay ka hor imaanayaan  heshiis ay horey u kala saxiixdeen labada dhinac.

Amarkan waxaa bixiyay madaxa warfaafinta Degmada Guriceel Macalin Qaasim Sheekh Mire oo ku adkeystay fulinta amarkan. Ahlu suna qeybta goboladda dhexe ayaa cadaadis dheeraad ah ku heysa warbaahinta degaanadeeda ka howl gasha, iyadoo hore ay dhowr jeer isugu dhaceen labada dhinac.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON