Maamulka cusub ee G/Banaadir oo ciidamo fara badan la tegay Xarunta G/Banaadir [Taabit oo kusoo dhoweeyay]

0

Gudoomiyaha cusub ee Gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan iyo maamulka cusub ee dhowaan la magacaabay ayaa lagu soo wareejiyey xafiisyada xarunta Maamulka dowladda Hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyihii hore ee G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed ayaa ku wehliyey Gudoomiyaha cusub oo kormeeray xaaladda shaqo ee maamulka G/Banaadir, waxaana guddoomiye Yariisow la socday guddoomiye ku xigeenada cusub ee loo magacabaay Gobolka Banaadir.

Xarunta Gobolka ayaa waxaa buux dhaafiyey ciidamada ilaalada madaxtooyada ee koofiyad casta oo la socday maamulka cusub, iyadoo meel kasta xiray, isla markaana xarunta ka dhigay goob ciidan.

Guddoomiye Thaabit Cabdi ayaa khudbad u jeediyay Shaqaallaha gobolka Banaadir, isagoo ka dalbaday inay la shaqeeyaan maamulka cusub, wuxuuna faahfaahin ka bixiyey waxqabadkii maamulkiisa oo uu sheegay inuu wax weyn ku soo kordhiyey G/Banaadir, iyadoo la sameeyay nidaam shaqo oo electronic ah, isla markaana shaqaalaha dowladda hoose ay si joogto ah mushaarkooda u qaadan jireen.