Maamulka dowladda Falastiin ayaa la sheegay inay qaadaceen la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka oo socdaal ku tegi doona Bariga Dhexe.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa uga digay dowladda Falastiin inay hakiyaan kulan ay dhammaadka bishaan la qaadan doonaan madaxweyne ku xigeenka Mareykanka Mike Pence, kaddib go’aankii madaxweyne Trump uu ugu aqoonsaday magaalada Qudus caasimadda Israa’iil.
Digniinta Mareykanka ayaa imaaneysa kaddib warar sheegaya in madaxweynaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas laga yaabo inuu isaga baxo qorshaha la kulanka madaxweyne ku xigeenka Mike Pence.
Xubin sare oo ka mid ah xisbiga madaxweyne Cabaas ee Fatah, ayaa sheegay in Mr Pence “aanan lagu soo dhaweyn doonin Falastiin” booqashada uu ku imaan doono Falastiiin sababa la xiriira go’aankii Trump uu ka qaatay Qudus.
Mr Pence ayaa lagu wadaa inuu booqdo Bariga Dhexe, dhammaadka bishan, iyadoo ay noqoneyso markii ugu horeysay ee uu u safro Bariga dhexe, waxaana safarkiisa hareeyya go’aankii Trump ee Qudus.
Mas’uulka ka tirsan Fatax ayaa ugu baaqay dalalka islaamka inay qaadacaan la-kulanka madaxweyne ku xigeenka Mareykanka. Kaaliyaha Aqalka Cad ayaa sheegay in kulanka uu sidiisa u dhici doono.