Monday, July 14, 2025

Maamulka G/Banaadir oo booqday Garoon Xaafadeed muddo 6 bilood ah u xirnaa kooxda Alshabaab

Xubno ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xalay booqday Garoon xaafadeed lagu ciyaari jiray kubadda cagta oo muddo ka badan lix bilood  u xirnaa kooxda Alshabaab, markii ay la hadleen dadka iskaleh oo ay ku amreen in la xiro.

Arrintan ayaa ka danbeysay markii ay kormeer ku tageen xaafado ka tirsan degmada Yaaqshiid, xubno uu hoggaaminayey Guddoomiye kuxigeenka amniga Gobolka Banaadir Maxamed Tuulax, garoonka oo ku yaalla xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid ayaan la ogeyn inuu sii furnaan doono.

“Waxaan lug ku soo marnay xaafado badan, sidii aan u soconay waxaan ku soo dhacnay garoonkan oo sida la ii sheegay xirnaa Lixdii bilood ee u dambeysay, waxaan xiray nimanka nabad-diidka ah oo dadkii garoonkan lahaa telefoonka kala soo hadlay, waxaa masuuliyad naga saaran dhalinyarada inay helaan amnigooda iyo goob ay ku cayaaraan”. guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir.

Dadka degaankaasi ayaa cabsi ka muujiyey arrintan oo loo xil saaray ciidamada booliska inay damaanad qaadaan furnaanshaha garoonkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON