Maamulka G/Banaadir oo War kasoo saaray Muxaadaradii baaqatay ee Sheekh Kenyaawi

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa war kasoo saaray muxaadaradii Sheekh Kenyaawi ee lagu qaban lahaa magaalada Muqdisho oo baaqatay kadib isbuurasho iyo rasaas ka dhacday goobta.

Guddoomiye ku xigeenka G/Banaadir Maxamed C/llaahi Tuulah ayaa sheegay in dib u dhac ku yimid kulankii Sheekh Kenyaawi, wuxuuna sheegay in dib loo qaban doono muxaadarada.

HOOS KA AKHRISO FARRIINTIISA

Dadweynaha kasoo qeybgalay muxaadarada Sheikh Kenyaawi waxaan u sheegaynaa in goobta muxaadarada loogu talgalay inay ka dhacdo iyo tirada dadka raba muxaadarada inay is qaadi waysay sidaas daraadeed anaggoo oo fiirinayna Amniga iyo nabadgalyada dadkaas waxaan Sheikha ka codsanay in la baajiyo muxaadarada iyo inaan goob ka weyn Hoolka Sahal aan ugu qaban doono shacabka Muxadaradiisa jecel. Sheikh Kenyaawi na waxaan rajaynayaa inuu shacabka sidaas u sheegi doono.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,300FansLike
749FollowersFollow
2,871FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!