Maamulka Gobolka Mudug ee Puntland ayaa amar is diiwaan gelin ah ku soo rogay xoogsada danyarta ah ee magaalada Gaalkacyo.
Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Cabdiwaaxid Cabdulle Warsame oo shir jaraa’id ka sheegay in loo baahan yahay inay is diiwaan geliyaan dhammaan dadka xoogsatay ah ee isugu jira: Gaari-gacanlayaasha, Caseeyeyaasha, Cadeylayaasha, iyo kuwa la midka ah si loo diiwaan geliyo.
Taliyahan ayaa ku dooday in dadkan uu tilmaamay ay wax badan la socdaan oo dhul badan ay maraan ayna tahay in laga faa’iideysto, maadaama loo adeegsan karo falalka nabadgelyo darrada.
DHAGEYSO TALIYAHA
Goobjooge.com