Wasaaradda Maaliyadda maamulka Galmudug ayaa canshuur ku soo rogtay Qaadka taga degaanada ay ka taliso, iyadoo sidoo kale amar la siiyay gaadiidka kala duwan.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Galmudug Siciid Siyaad Shirwac ayaa shaaciyey in laga billaabo 10-ka Bishan ay degaannada Galmudug ka billaabaneyso diiwaan gelinta Gaadiidka sida diyaaradaha ka degan maamulkaasi, iyadoo laga doonayo inay is diiwaan gelinayaan Gaadiidka noocyadiisa oo dhan Gaadiidka Badda, Cirka iyo Dhulkaba.
Wasiirka ayaa sheegay in halkii Kiilo ee Qaadka ah ay canshuurayaan $2.5 doollar, iyadoo dhammaan sheegay in degaannada Galmudug ay bilaabeen inay isku tashadaan oo ay canshuurtooda qaataan.
Wuxuu wasiirku ku amray in kadib 10-ka Disembar aysan diyaarad fasax la’aan ka degi karin garoomada diyaaradaha Galmudug oggolaansho la’aanta ah.