Sunday, June 22, 2025

Maamulka G/Banaadir oo AMISOM oo ka heshiiyay laba Qodob muhiim ah [Sawirro]

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Maamulka G/baadir iyo Midowga Afrika ayaa ka wada hadlay qorshaha xasilinta caasimadda iyo hormarinta arrimaha bulshada. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiho Mudane Thaabit Cabdi Maxamed ayaa sheegay in labada dhinac ay qorshe u sameyeen arrimah la xiriiro shilalka ay xiliyada qaar geestaan ciidanka AMISOM.

Gudooomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay inay ku heshiiyen in ciidannka AMISOM ay si dhaqsi ah u soo wareejiyaan garoonka weyne ee Muqdisho Stadium, isagoo xusay in guddi loo saarayo qorsha soo wareejinta garoonka oo dhawaan lagu soo wareejin doon.

Ad

Guddoomiyaha Thaabit ayaa Midowga Africa kala hadlay amniga Muqdisho iyo doorka ay ku leeyihiin Ciidamada AMISOM in la xakameeyo shilalka ay AMISOM ka geystaan Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa guul weyn ka gaaray kulankii uu Maanta la yeeshay wafdi uu hogaaminyay Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Caetano Madeira iyo taliyaha ciidanka AMISOM Ganaraal Subagle.

Daawo Sawirada

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON