adMaamulka Gobolka Banaadir ayaa furaya barnaamij nooc cusub ah oo lagu doonayo in lagu ururiyo aragtida dadka reer Muqdisho.
Barnaamijkan ayaa la sheegay inuu ku saabsan yahay uruurinta aragtida bulshada Gobolka Banaadir, iyagoo lagu furay dad gaaraya 204 qof kuwaas oo laga kala keenay 17-ka Degmo ee gobolka Banaadir.
Ololaha oo hadda ka socda  xarunta maamulka, ayaa ujeedkiisu yahay in degmo waliba ay soo gudbiso Muqdishada ay dooneyso sida ay la tahay dhinacyada adeegga bulshada, horumarinta dhaqaalaha iyo metelaadda siyaasadeed.
Gobolka Banaadir ayaa wax metelaad ah ku yeelan Aqalka Sare ee baarlamaanka Fedeaalka arrintan oo ahayd mid ay cabasho weyn ka qabeen dadka reer Muqdisho.