Thursday, June 26, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir: Ma awoodaa inuu qaado Dhagxaanta lagu gooyay Wadooyinka Muqdisho.? [SAWIRRO]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay inuu bilaabo qaadista dhagxaanka lagu gooyay inta badan wadooyinka Muqdisho.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane ayaa sheegay in Guddoomiyaha Gobolka uu amar ku bixiyay in la qaado dhagxaanta lagu jaray waddooyinka, isagoo ku dooday inaan loo dulqaadan doonin waddooyinka muhiimka ah ee dhagxaan lagu xiray.

Afhayeenka Gobolka Banaadir oo ah nin ku caan baxay Iidheh uu u sameeyo guddoomiyihiisa ayaa aad uga badbadiyay arrintan oo ah mid ay u caal weysay  dowladda Xasan Sheekh, kana mida dhaxalkiisa xun.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa laf ahaantiisa dhowr jeer awoodi waayay inuu wax ka qabto arrintan, waxaan la ogyahay inay u xiran tahay qeyb ka mida wadooyinka muhiimka ah ee Xamarweyne.

Guddoomiye Boorsaani ayaa loo arkaa inuusan wax awood au lahayn wax ka qabashada wadooyinka xiran ee Muqdisho oo mas’uuliyiinta ay u xiran tahay uu ka mid yahay, waxaana bandhigii maanta uu ahaa mid ku kooban wadooyin aan muhiim ahayn.

DAAWO SAWIRRO

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON