Monday, June 23, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo ku biiray maamulada ka hor yimid tira-koobka la shaaciyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa ku biiray maamulada sida weyn uga hor yimid tirakoobka ay faafisay wasaarada qorsheynta Soomaaliya iyo Hey’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dadka (UNFPA), wuxuuna ku tilmaamay tira-koobkaasi mid aan sal iyo raad laheyn.

mungaab

War saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in sahankaasi yahay mid aan la aqbali karin. “Gobolka Banaadir waxaa ku nool Saddex Milyan iyo afar boqol oo kun, sidaas darteed Wasaaradda Qorsheynta Soomaliya waxaad moodaa in aysan ka warqaban dadka ku nool caasimadda Soomaliya” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaas raaciyay in  tirikoobka rasmiga ah ee bulshada ku nool Gobolka Banaadir wax laga weydiinayo maamulka Gobolka Banaadir.

Muungaab wuxuu shaaciyay in maamulkooda ay sameeyeen tira-koob rasmi ah, oo ay isku xireen degaanka la degan yahay  10- guri kastana u yeeleen tiriye oo ka mida Barnaamijkii deriseynta laga hirgaliyey Muqdisho, sidaas darteedna ay iyaga kaliya tahay in wax laga weydiiyo.

Maamulada Puntland iyo Jubba ayaa hore u diiday tira-koobka, waxayna sheegeen in la joojiyo faafintiisa iyagoo cambaareeyay qaabka loo diyaariyay iyo tirooyinka ka muuqda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON