Thursday, June 26, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray Amarro ku socda Dadka Muqdisho.. [Digniin & Ganaax]

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa amarro ku soo rogay shacabka magaalada Muqdisho iyo qaar ka mida ganacsatada magaalada, kadib wareegto kasoo baxday guddoomiyaha Gobolka.

Wareegtada oo uu saxaafadda u akhriyey afhayeenak Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Gobolka Banaadir aad ku mashquulsan yahay Dib u Habeynta Bulaacadaha Magaalada Muqdisho iyo Naleynta si Bilicda dib loogu soo celiyay. waxaana xafiiska Duqa Magaalada laga soo saaray laba xeer oo digniin loogu dirayo Shacabka Muqdisho. waxayna kala yihiin:

1- In cid alaala cidii si sharci darro ah u istecmaasha Bulaacadaha Magaalada Muqdisho, aan laga aqbali doonin, isla markaana u hogaansanto xeerka kasoo baxay Xafiiska Duqa ee Mamnuucaya in danta guud loo istecmaalo mid gaar ahaaneed.

2- In Guryaha Magaalada Muqdisho ee istecmaala Dabka-Korontada ay cid weliba guriga Hortiisa ku dhajiyaan Nal, si Iftiinka Magaalada Muqdisho loogu wada qeyb-qaato, taasi oo muhiim u ah Howlgalada Amni, bacdamaa kooxaha dhibaatooyinka geysta ay ku dhuuntaan goobaha Mugdiga ah.

– Cidii xeerarkaan fulin weyda waxaa laga qaadayaa talaabo waafaqsan sharciga taasi oo ku xusan xeerarka kasoo baxay Xafiiska Duqa Muqdisho.

Maamulak Gobolka banaadir ayaa hore u soo saaray amarro kala duwan oo intooda badan shaqeyn waayey, laakiin amarka naleynta guryaha ayaa hore u ahaa mid ku kooban guddoomiyeyaasha qaar ee degmooyimka G/banaadir oo lacag badan ka sameyn jiray ganaaxa dadweynaha.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON