Maamulka Hirshabeelle ayaa wada qorshe dib loogu howlgelinayo dekadda macmalka ah ee Ceelmacaan ee garoonka Cisaley oo labaduna ku yaala degaanka Ceelcadde ee degmada Balcad.
Wafdi uu hogaaminayeen Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble iyo kuxigeenkiisa Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo ay wehliyaan Xildhibaanno ka tirsan maamulkaasi ayaa tegay degaanka CeelCadde.
Waxay la kulmeen dadka degaanka iyo qeybaha bulshada, waxaana la sheegay in socdaalkoodu la xiriiray kormeerka dekadda macmalka ah ee Ceel Macaan oo la doonayo in dib loo furo, iyadoo ay jiraan ganacsato dooneysa inay maalgeliso dib u dhiska dekadda.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa sheegay inay dib u howlgelinayaan dekadda Ceel Macaan, si dhaqaalaha ka soo xarooda lagu horumariyo deegaannada Maamulka.
Waxay kaloo tageen Garoonka diyaaradaha Cisaleey oo isna la sheegay in dib u habeyn ku sameyn doonaan garoonka, si loo soo celiyo adeegyadii uu garoonkaasi qaban jiray.
Dib u howlgelinta Dekadda Ceelmacaan iyo garoonka Cisaley ayaa halis ku noqon kara shaqada dekadda Muqdisho oo dhaqaalaha ugu badan kasoo galo dowladda Federaalka. Qorshahan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dhowr qodob oo loo dejiyay dowladda Farmaajo si culeys loogu saaro.
Dowlada Xasan Sheekh ayaa hore uga hor timid in la furo garoonka No. 50 si Qaadka loogu yimaada Muqdisho looga soo dejiyo. Waxaa kaloo hore loo joojiyay furitaanka dekadda Jaziira ee duleedka Muqdisho
Goobjooge.com