Saturday, August 23, 2025

Maamulka Hirshabeelle oo xilkii ka qaaday Guddoomiyeyaasha degmooyinka Mahadaay & Cadalle

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Hirshabeelle ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyeyaasha degmooyinka Mahaday iyo Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.

Qoraal ka soo baxay Wasiirka ayaa sidoo kale guddoomiyaal cusub loogu magacaabay. Waxaa xilalkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Mahaday Axmed Xuseen Afrax oo lagu bedelay guddoomiye C/llaahi Maxamed Xuseen(Geeldoox)  iyo Guddoomiyihii hore ee degmada Cadalle Muxyadiin Suudi Macalin oo lagu bedelay Muuse Maxamed Axmed (Keli).

Xil ka qaadistan ayaa imaaneysa iyadoo dhowaan xilka laga qaaday guddoomiyihii degmada Balcad ee Gobolka Shabeelada Dhexe.

Waa markii ugu horeysay ee Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle uu xilalka ka qaado maamulo degmo. Dhowaan ayaa waxaa xilka laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmada Balcad.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON