Maamulka Jubbaland ayaa beeniyay inay taageereen duqeyntii dhowaan Mareykanku ku dilay askar ka tirsan Maamulka Galmudug.
Afhayeenka maamulka Jubba C/naasir Seeraar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuusan jirin wax war ah oo ay ka soo saareen duqeyntaasi iyo taageero ay siiyen midna.
Wuxuu sheegay in war uu hore isagu u soo saaray oo ku saabsanaa weerarkii Alshabaab ku qaaday degaanada Puntland la jarjaray, lagana dhigay taageero Juballand siisay duqeyntii ka dhacday duleedka Gaalkacyo, wuxuuna intaas ku daray inay ka xun yihiin dadka la dilay, isla markaana ay ka hadli doonaan markii arrintu xaqiiqadeeda la gaaro.
Dhowaan waxaa lagu faafiyay warbaahinta qaarkeed war ku saabsan in Jubbaland ay taageertay duqeyntii diyaarado Mareykan ah ku dishay askar ka tirsan Galmudug.
Goobjooge.com