Monday, June 30, 2025

Maamulka Jubba oo bilaabay inuu Haween fara badan ka masaafuriyo magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in howlgal aan hore loo arag oo nooc cusub ah uu ka socdo magaalada iyadoo laga masaafurinayo xaasas al sheegay inay qabaan rag Alshabaab ka tirsan.

xijab

Waxaa hore magaalada looga uruuriyay haween fara badan oo u badan kuwa indha-shareerta qaata, waxaana howlgalkan ka danbeeya ciidamada nabadsugidda oo dhowaanahan magaalada ka qabtay haween fara badan oo lagu tuhunsan yahay inay yihiin xaasaska Alshabaab.

Afhayeenka ciidamada Nabadsugidda Kismaayo Axmed Carab ayaa sheegay in go’aan lagu gaaray in Kismaayo laga saaro haweenka Alshabaab qabaan, wuxuuna intaas ku daray in ukumada Alshabaab laga saarayo Kismaayo wuxuuna ugu hanjabay in dumarka ku sugan Kismaayo ay is diiwaan geliyaan si loogu masaafuriyo dhinaca ragoodii joogaan.

Waxaa la arkayay baabuur lagu gurayo haweenkaasi oo lagu daadinayo aaga dagaal ee Buulo gaduud, waxaan arrintan ay la yaab ku noqotay dadka magaalada Kismaayo ku dhaqan waana fal aan hore loogu arkin Soomaaliya.

DHAGEYSO AFHAYEENKA

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON