Wednesday, August 6, 2025

Jen. Darwiish oo Kismaayo ku xiray, kadibna masaafuriyay odayaal dhaqameed beeshiisa kasoo jeeda

Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe madaxda ka yahay ayaa magaalada Kismaayo xabsiga dhigay odayaal ay ku eedeeyeen inay ka tirsan yihiin kooxda Alshabaab, taasoo la yaab ku noqotay  beesha ay ka soo jeedana odayaashan oo ku eedeeyn kulul u jeediyay Maamulka Jubba.

Odayaasha la xiray aya  kala ah Suldaan Maxmuud Geele iyo Caaqil Cabdulahi Saciid Bile. Beelaha ay ka soo jeedan oday dhaqameedyada la xirey ayaa ku eeedeeyey maamulku inuu wado cabburin iyo kelitelisnimo iyadoo ay tahay meel ka dhac weyn in odayaal dhaqameed nabadeed xabsi la dhigo.

Odayaasha ayaa markii la xiray kadib loo masaafuriyay magaalada Muqdisho iyadoo looga digay inay ku soo laabtaan  magaalada Kismaayo, taasoo ah arrin aan hore u dhicin.

Odoyaashan oo ku heyb ah  Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Maxamed Darwiish ayaa hore u soo saaray qoraal ay kalsoonida kala noqdeen wasiirkan, taasoo loo aaneyneyo inay dhalisay xarigooda. [AKHRI QORAALKII ODAYAASHA]

Wararka qaar ayaa sheegaya in Odayaashii la xiray  laga masaafurinayo Magaalada Kismaayo, Beesha Jen. Darwiish ayaa hadda eedeyn kulul u jeediyay Axmed Madoobe oo ah inuu isagu ka dambeeyo arrintan oo uu bixiyay amarka xariga odayaasha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON