Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Jubba ay xabsiga u taxaabeen weriye lagu magacaabo Jeylaani Xuseen Yuusuf.
Ciidamada Nabadsugidda Jubbaland ayaa tegay hotelka Kismaayo oo xilligaasi uu ka socday tababar saxaafadeed, iyagoo beegsaday, halkaasina ka kaxeystay weriyaha, kadibna xabsiga dhigay.

Lama oga sababta ka dambeysa xariga Wariye Jeylaani, mana jiro weli wax war ah oo maamulka ay kasoo saareen.
Weriye Jeylaani Xuseen ayaa hore ula soo shaqeeyay hay’ado Warbaahineed oo maxali u badan, waxaana sii deyntiisa dalbaday weriyeyaasha ka howlgala magaalada Kismaayo.
Goobjooge.com