Friday, July 18, 2025

Maamulka K/Galbeed oo shaaciyey sababtii loo xiray Weriyiha VOA-da ee Magaalada Baydhaba.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koofur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed ayaa shaaciyey sababtii loo xiray weriye Mukhtaar Maxamed Catoosh wakiil-wareedkii Idaacada VOA ee magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in wariye Catoosh loo xiray War been abuur oo ku saabsanaa kufsi ah oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose oo markii la baaray aanu jirin meel laga soo xigtay, weriyuhuna uu sheegay inay gabar yar ugu dhimatay isbitaalka magaalada Baydbaba.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koofur Galbeed wuxuu caddeeyay in Xeer ilaalinta maamulkooda ay ku soo oogeen Dacwad la xariirta in uu war been ah fidiyey, haddana loo diray xabsiga Dhexe ee Baydhaba si kumeelgaar ah markii shalay la geeyay Maxkamadda Baydhaba.

“Mukhtaar Maxamed Catoosh waa eedeysane, umana xirna siyaasad..” ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koofur Galbeed oo sheegay in sharciga lagu kala baxayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON