Wednesday, June 25, 2025

Maamulka K/Galbeed oo beeniyay inay Daacish ku sugan tahay Sh/hoose

Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa beeniyay in Kooxda Daacish ay xerooyin ku leedahay  Gobolka Shabeelaha Hoose.

Taliyaha ciidamada Nabadsugidda K/Galbeed Cali C/llaahi Isaaq ayaa sheegay inaysan iyagu ogeyn xerooyin iyo fariisimo Daacish ku leedahay Gobolka ShHabeelaha hoose iyo waliba degaanka Janaale oo uu sheegay inay ku sugan yihiin Alshabaab.

Taliyaha ayaa jawaab ka bixiyay hadal uu soo saaray taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya oo sheegay in howlgal ay Kumaandooska Soomaaliya qaadeen lagu burburiyay xero Daacish ku lahayd Janaale.

Shaki badan ayaa laga muujiyay sheegashada Milateriga Soomaaliya iyo sawirrada ay baahisay warbaahinta dowladda iyadoo Alshabaab awood badan ku leedahay Jannaale oo aanay suuragal ahayn inay halkaasi ka howlgalaan Daacish oo dagaal ka dhaxeeyo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON