Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay inuu ku biiriyo dagaalka ka socda Gobolka Bakool ee u dhaxeeya ciidamada Alshabaab iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.
Afhayeenka Madaxtooyada K/Galbeed Nuuradiin Gacma ayaa sheegay inay gacan siinayaan Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. wuxuuna intaas ku daray in ciidan gurmad ah u dirayaan degaannada Abaal iyo Yabaal oo iminka dagaal ku dhex marayo labada dhinac.
Afhayeenka ayaa ku dooday in dagaalka socda ay ku gacan sareeyaan ciidamada Roobow, sida uu yiri, isla markaana maamulka K/Galbeed ay isku in gurmad ciidan ah loo diro Sheekh Mukhtaar Abuu Mansuur.
Dagaalka oo saaka bilowday ayaa weli socda, iyadoo warar kala duwan kasoo baxayaan xaaladda dagaalka.