Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Koonfur Galbeed oo amarro ku soo rogtay xaasaska Alshabaab ee ku nool degaanadooda

Maamulka Koofur Galbeed  Soomaaliya ayaa amar ku soo rogay xaasaska ay qabaan ragga ka tirsan Alshabaab ee ku nool degaanada maamulkaasi, iyadoo lagu amray inay is diiwaan geliyaan.

Guddiga amaanka K/Galbeed oo dhowaan la dhisay ayaa soo saaray amarkan, waxaana  Wasiirka Maaliyada  koofur Galbeed Sheekh Xasan Lugbuur oo guddigaasi ka tirsan uu shaaciyay in laga doonayo is-diiwaan gelin cid waliba oo xaas u ah qof Alshabaab ka tirsan.

Wuxuu uga digay haddii ay is diiwaangelin waaya loo aqoonsan doono Alshabaab ayaa dhibaato ka wada dalka, waxaana arrintan ay sidoo kale saameyn ku yeelaneysaa dadka Alshabaab ka tirsan ee ka baxay, iyo kuwa Alshabaab ay ehelka yihiin.

Maamulka Jubba ee Axmed Madoobe ayaa hore amarro noocan oo kale ah ugu soo rogay xaasaska ragga Alshabaab ee ku nool Kismaayo, waxaana magaaladaasi laga masaafuriyay inta badan xaasaskaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON