Monday, July 14, 2025

Maamulka Puntland oo Amarro culus ka soo saartay Lacagaha Shilin Soomaaliga

Maamulka Puntland oo war kasoo saaray dhibaatada ka  taagan isticmaalka lacagta Shillin Soomaaliga ah ee degaanada maamulkaasi.

Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga Puntland oo shir ku yeeshay ayaa ugu danbeyn soo saaray afar qodob oo kala ah:-

1- Lacagta Shilling Soomaaligu waa astaan, dal kastana astaantiisa qaran waa lacagtiisa, Puntland kama duwana cidii ka hor imaatana waa qaran dumis.

2- Dowladda Puntland lacagta Sh.So. waxay ku qaadaa Canshuurta, waxayna ku bixisaa Mushaharooyinka Ciidamada iyo Shaqaalaha Dowladda, meel ay ku diidayna majirto.

Somalia Intends to Print Its Own Currency by Early Next Year

3- Shacabka reer Puntland waxaa laga doonayaa in ay lacagta Sh.So. qaataan, iyaga oo aan kala gurin, sarfi kala duwanna looma sameyn karo. Arintaas oo aan diin ahaan banaaneyn (Ribo)

4- Hay’adaha Dowladda ee Fulinta shaqadan qeybaha ku leh waxaa laga doonayaa in ay waajibaadkooda shaqo ka gutaan.

Go’aanka waxaa saxiixan Wasiirka Maaliyadda Puntland Cabdullaahi Siciid Carshe iyo Guddoomiyaha Bankiyada Puntland Cabdi Ismaaciil Boos.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON