Wednesday, June 25, 2025

Maamulka Puntland oo joojiyey Shir laga abaabulay Garowe oo ku saabsanaa Faragelinta Imaaraadka & Dad loo xiray

Maamulka Puntland ayaa joojiyey shir lagu waday inuu xhlay ka dhaco Hotel ku yaalla magaalada Garowe oo lagu magacaabo New Rays 2, kaasoo looga hadli lahaa faragelinta Imaaraadka Carabta ku hayo arrimaha Soomaaliya.

Shirkan oo ahaa mid lagu daah furayo Madal la baxday Garsoor, iyadoo maamulka Puntland uu ka war helay xilli danbe, waxaana Hotelka gaaray Ciidamo joojiyey shirka, isa markaana qaatay waraaqihii Ajendaha iyo agab kale oo shirka loo diyaariyey, iygoo xiray shaqaale iyo maamulkii Hotelka.

Madasha Garsoo la baxday shirka uga hadli lahayd arrimaha Imaaradka iyo Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in arrintaasi ay  si weyn uga careysiisay maamulka C/weli Gaas ee Puntland oo xiriir dhow la leh Imaaraadka.

Arrintan ayay Puntland ku eedeysay inay ka dambeyso dowladda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana lagu wadaa inay saxaafadda u soo bandhigaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON