Maamul goboleed Puntland ayaa lagu eedeeyay inay qeyb ka tahay kaluumeysiga sharci darrada ah ee ka socda Soomaaliya, kadib markii ay fasaxyo siisay Maraakiib waaweyn oo jariif ah.
Agaasimihii hore la dagaallanka Burcad-badeeda Puntland oo dhowaan xilka laga qaaday, C/risaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) ayaa sheegay in ay jiraan Maraakiib badan oo si sharci darro ah uga kalluumeysata Xeebaha degaanada Puntland, kuwaasoo ay Fasax siiyeen maamulka Puntland.
Wuxuu caddeeyay in Maraakiib laga leeyahay Kuuriya oo la siiyay magacyo Soomaali ah ay xeebaha Puntland ay ka wadeen muddo dheer kalluumeysato sharci darro ah, ayna ka war hayaan maamulka Puntland.
“Haddii aad tagto xeebaha habeennimo waxaad arkaysaa sida sharci darrada ah ee looga kalluumeysanayo, waxaa ku jira badda waa Iiraaniyiin, Yemen iyo kuwo aan anagga lug ku leenahay oo wasaaradaheena iyo dowlada Puntland lug ku leedahay oo ay bixiso leesinnada, waxaana hayaa caddeymo ku saabsan arrintaasi oo maraakiib Kuuriya oo Afar ah ay ku jiraan xeebteenna illaa iyo muddo hore laga soo bilaabo 2004, waxay bedaleen magacii markii dowladdaasi ay sheegtay in maxkamad la taagi doono ciddii lagu arko Jilaabasho sharci darro ah, qoraalkiina waan hayaa, markii ay sidaasi yiraahdeen Soomaali baa dabcan wada, dowladana (Puntland) waxbay ka ogtahay, calankii Kuuriya waa la dejiyey oo waxaa la saaray calanka Soomaaliya, waana meelaha la iga soo galay bilowgii” ayuu yiri Duceysane.
Maamulka Puntland ayaa qarin inuu fasaxyo siiyo maraakiib kaluumeysi oo ka socda dalal kala duwan.
Goobjooge.com