Dacwad ay dowlad goboleedka Puntland, gaar ahaan wasaaradda warfaafinta ku soo oogtay Idaacadda Sahan ee ka dhisan magaalada Garowe ayaa maanta ka furantay Maxkamada darajada Koowaad ee gobolka Nugaal. Dacwadan ayaa in Idaacada ay barteenada Internet-ka ay ku daabacday war ku saabsan xuska 1-dda Agost oo ah sanadguuradii aasaaska Puntland.
Waxaa dacwad qaadista Goobjoog ka ahaa Maamulka iyo Milkiilaha Idaacada Sahan
Wasaarada warfaafinta Maamulka Puntland
Ururka Saxaafiyiinta Puntland, saxafiyiin, Qareeno iyo dadweyne.
Waxaa Puntland u doodaya Xeer ilaaliyaha Maxkamada oo fadhigii maanta ku dooday in Radio Sahan dembi weyn ka galay dowladda Puntland kana been sheegeen qabanqaabadii xafladii 1-da Agost markii ay baahiyeen in dhaqaale loo waayayiyo in la soo kireeyey fanaaniin aan gudaha joogin, wuxuuna maxkamada ka codsaday in Idaacada lagu qaado xukunka ay muddan tahay.
Dhinaca kale Qareenka u doodayay Idaacada Sahan Saciid Axmed Faarax ayaa difaacay qoraalka ay Idaacadda Sahan ku daabacday barteeda Internet-ka, wuxuuna doodiisa ku sheegay in Idaacadda ay qortay war feker qof leeyahay, balse aan loo qaadan karin mid dembi ku ah dowladda Puntland ama dhibaato geysanaya.
Maxkamada ayaa go’aan ku gaartay in maalinta berito dib la isugu soo laabto si maxkamada ay go’aan cad uga qaadato dacwada u dhaxaysa Idaacada Sahan iyo Wasaarada warfaafinta Puntland. Dacwadan ayaa caddeyn u ah sida maamulka Gaas ugu yar yahay dulqaadka saxaafadda iyo ra’yiga kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]