Ciidamada Maamulka Puntland ayaa Xabsiga magaalada Garoowe u taxaabay xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaankii KMG ee Soomaaliya ahna siyaasi ninka lagu magacaabo Daahir Cabdulqaadir Muuse (Daahir Ciiro).
Ciidamado ka mida kuwa ammaanka ayaa siyaasigan qasab uga kaxeeyay hoygiisa magaalada Garowe, waxaana Daahir Ciiro lagu xiray saldhiga dhexe ee Magaalada Garowe.
Lama shaacin sababta ka dambaysa xariga Daahir Ciiro, laakiin wararka ayaa sheegaya in siyaasigan uu si kulul u cambaareeyay madaxweyne C/weli Gaas iyo xukuumadiisa isahoo ku eedeeyay musuqmaasuq iyo cadaalada darro
Xaalada Puntland ayaa muddooyinkan dambe isku bedeshay maamul dulqaadku ku yaraaday oo ay hareeyeen fadeexad iyo xaalado aan laga hadli karin.
Goobjooge.com