Saturday, July 12, 2025

Maamulka Somaliland oo Aqbalay qaadashada Lacag ay ugu Deeqday Dowladda Soomaaliya [Akhriso]

Somaliland ayaa aqbashay lacag dhan Hal Milyan oo dooalar oo ay ku deeqday dowaldda Soomaaliya dadkii ku waxyeeloobay duufaantii Sagar ee ka dhacay qaar ka mida Gobollada Waqooyiga.

Wasiirka arrimaha dibadda maamulka Somliland Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta Hargeysa ayaa sheegay inay soo dhoweynayaan cid waliba oo gacan ka geysaneysa taakuleynta dadkii ku aafoobay duufaankii dhowaan dhacay, iyadoo aan la kala saarin.

Wuxuu soo qaatay wasiirka in sidii hore u dhacday ay Somaliland u gurmatay Soomaaliya markii ay abaaruhu a dhaceen Koonfurta Soomaaliya ayna geeyeen lacag dhan 900-kun doolar, wuxuuna intaasi ku daray in dhibaatada duufaanta aysan ku koobneyn Awdal iyo W/Galbeed.

Somaliland ayaa sheegtay in lacagtaasi lagu wareejin doono Guddiga aafooyinka oo maareyn doona, iyadoo ay soo dhoweynayaan tallaabada samafal ee Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON