Monday, June 23, 2025

Maamulka Somaliland oo u hiiliyay Muslimiinta Rohinga, si kululna u cambaareeyay Myanmar

Maamulka Somaliland ayaa canbaareysay qaabka ay xukuumada Myanmar ula dhaqmayso Muslimiinta Rohingya.

War-saxaafadeed uu soo saaray madaxwaynaha Somaliland ayaa lagu sheegay in ay aad uga xun yihiin qaabka bina’aadanimada ka baxsan ee ciidamada ammaanka ee xukuumada Myanmar ay ula dhaqmayaan bulshada Rohingya.

War-saxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa sidoo kale waxa loogu baaqay dowlada Myanmar in ay joojiso rabshadaha arxan darada ah iyo isir sifeynta lagula kacay dadka rayidka ah islamarkana loo ogolaado in kaalmada bina’aadanimo ay gaarto dadka u baahan.

Ad

Madaxwaynaha Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Silanyo)ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan qaramada midoobe in ay qaadaan tillaabo lagu joojinayo ololaha xasuuqa ee ka dhanka ah dadka Rohingya ee ku nool Myanmar.

Hadalka madaxwayne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya xilli kumanaan qof ay ka qaxayaan dalka Myanmar, waana maamulkii ugu horeeyay ee Soomaali ah uu war cad kasoo saaraa tacadiyada dowladda Myanmar ku heyso dadka Muslimiinta ah ee Rohinga.

- Advertisement -

Waxaa aad u kordhay dadka muslimiinta Rohingya ee ka qaxaya dalka Myamar, waxayna gaareen illaa 270,000 qof sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON