Wednesday, June 25, 2025

MAANTA & KISMAAYO: Wararkii ugu danbeeyay ee xaaladda doorashada Madaxweynaha

Xaalada magaalada Kismaayo ayaa maanta ka duwan gebi ahaanba sidii ay ahaan jirtay iyadoo magaalada ay ka bilaabaneyso doorasho muran weyn ka taagan yahay sharci ahaanteeda oo ay ku tartamayaan afar musharax oo doonaya inay 4-ta sano ee soo socota hogaamiyaan maamulka Jubba.

kismaayoAargada1

Guud ahaan magaalada ayaan wax dhaqaaqa ah ka jirin, waxaana bandow lagu soo rogay Kismaayo, wufuud kala duwan ayaa tagtay magaalada oo ka qeyb galeysa doorasho la sii og yahay qofka ku guuleysan doona, waxaana Baarlamaanka Jubba oo laf ahaantiisa sharci darro uu ka dhigay Baarlamaanka Soomaaliya uu dooran doonaa markii ugu horeysay madaxweyne uu yeesho maamulka Jubba.

Doorashada ayaa noqon doonta mid si toos ah looga daawado TV-yada Soomaalida, waxayna wararku sheegayaan in wareega horeba ay ku dhammaan doonto iyadoo aan loo baahan wareeg kale, loolan culusna aanu meesha ka dhici doonin.

Jubba waxay geli doontaa marxalad cusub oo ay isku dhex jiraan muran sharciyeed iyo waaqic ka yimid xaaladda ka jirta degaanada Jubba, tani oo qeyb ka ah mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaalida iyo federaalka mugdiga badani ka jiro.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON