Monday, June 30, 2025

Maareeyaha shirkadda FAVORI oo caddeeyay in la xaliyay ceebtii farsamo ee ka dhacday Garoonka Muqdisho

Waxaa markii ugu horeysay saxaafadda la hadlay Maareeyaha amniga ee shirkadda FAVORI ninka lagu magacaabi Hakan Aydin faahfaahin ka bixiyay in la xaliyay dhibaatadii ka dhacday dhismaha cusub ee Garoonka Adan Cadde kadib markii roobabkii dhowaan da’ay uu garoonka celin waayay, taasoo la yaab ku noqotay mas’uuliyiinta Soomaalida.

Maareeyaha dhanka amniga ee shirkadda FAVORI Hakan Aydin

Maareeye Hakan ayaa sheegay roobadkii dhowaan ka da’ay caasimadda ay saameyn ku yeesheen Terminalka cusub, balse ay hadda ku guulesteen inay dib u habeyn ku sameeyaan meelihii uu roobka ka soo galay, Wuxuuna ku dooday in xiligii dhismaha Terminalka socday aysan jirin hab ay ku ogaan kareen meelaha uu roobku ka soo galay.

 

Wuxuu ka hadlay agaasimaha isbedelka weyn ee ku yimid howlaha Garoonka, wuxuuna caddeeyay in tirada rakaabta iyo diyaaradaha yimaada Garoonka Muqdisho ay si weyn u kordheen.

Akhri dhacdadii roobka iyo saameynta uu ku yeeshay Garoonka Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON