Thursday, June 26, 2025

Maareeye cusub oo loo magacaabay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho [Isbedel cusub]

Dowladda Soomaaliya ayaa xil cusub ku soo kordhisay Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho iyadoo maanta lagu dhawaaqay Maareeye cusub oo Garoonka u qaabilsanaan doona maamulka iyo Amniga.

Maareeyaha cusub ee Maamulka iyo Amniga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa loo magacaabay Jen. Cabdi Abshir Jaamac oo wareegto kasoo baxday xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo dalka ka maqan xilkaasi loogu magacaabay.

Arrintan ayaa soo shaac baxday kulan maanta dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo saraakiisha Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo loo hadlay dardar gelinta amniga garoonka Aadan Cadde. Waxaa kulanka ka qeyb galay xubno ay ka mid yihiin Wasiir ku-xigeennada Wasaaradaha Amniga iyo duulista hawada, Taliyeyaasha ciidamada booliska, Nabad sugidda, saraakiisha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha iyo madaxda shirkadda maamusha garoonka ee FAVORI.

Wax ka bedelka maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa saameyn ku yeelanaya agaasimaha guu ee garoonka oo hadda xilkiisii agaasime kale lagu soo kordhiyay. Waxaana hore u jiray taliyeyaasha booliska iyo nabadsugidda garoonka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray Saldhiga Booliska Garoonka Aadan Cadde oo dib u habeyn lagu sameeyay, isagoo saraakiisha dowladda kala hadlay xoojinta ammaanka garoonka Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay soo celiso xaaladii garoonka Muqdisho ku sugnaa ka hor inta aanu 2-dii Febraayo ka dhicin qaraxii lala beegsaday Diyaaradda Daallo oo keenay inay hakadaan duulimaadyadii imaan jiray Garoonka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON