Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay mareeye ku xigeenka koowaad ee Dekadda Muqdisho.Wararka laga helay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii gobolka Banaaadir ee dhowaan xilka laga qaaday Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) loo magacaabay inuu noqdo Maareeye kuxigeenka koowaad ee Dekada Muqdisho.
Mudane Yabooh ayaa la sheegay inuu dhalay Nabadoon ka mida kuwa ugu waaweyn beesha H/Gidir, waxaana arrintan ay qeyb ka tahay ka hortagga olole ay beeshani uga soo horjeedo dowladda cusub.
Waxaa dhowaan dekadda Muqdisho loo magacaabay Maareeye cusub oo ah Axmed Maxamed Washington, waxayna wararku sheegayaan in dekadda aya maamusho shirkadda Albayrak ee Turkiga ah iyadoo aysan wax awood ah ku lahayn madaxda loo magacaabay.
Goobjooge.com