Monday, June 23, 2025

Maareeyihii Shirkadda Dahabshiil ee Magaalada Laascaano oo toogasho lagu dilay

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in goor dhoweyd lagu dilay magaaladaasi Maareeyihii Shirkada Dahabshiil ee Laascaanood.

Dilka Marxuum Maxamed Xersi Yuusuf ayaa la sheegay inay geysteen dabley bistoolado ku hubeysan oo goobta ka baxsaday isla markii ay dilka geysteen.

Wararka ayaa sheegaya in dilka Maareeyaha uu dhacay kadib markii uu kasoo baxay salaadii Cishaha.

Ad

Wax faahfaahin ah lagama bixin dilkam mana jirto cid sheegtay, waxaana magaalada ka jirta xaalado kacsan.

Maareeyaha Dahabshiil ee Laascaano ayaa ahaa nin caana oo ay si weyn looga yiqiin Magaalada Laascaanood.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON