Monday, July 14, 2025

Mac-hadka Heritage oo warbixin ka soo saaray saddex Qaab oo lagu xalin karo Colaadda Gaalkacyo

Mac-hadka HERITAGE ee Daraasaadka Siyaasadda, fadhigiisuna yahay magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka soo saaray colaadda magaalada Gaalkacyo qaabka loo xalin karo.

Qoraal dheer oo dhinacyo badan taabanaya oo Mac-hadku soo saaray ayaa lagu sheegay in nabad ka dhacda Gaalkacyo ay fure u tahay nabad guud oo Soomaaliya ay hesho.

Sidoo kale qoraalka ayaa sheegaya in raadinta xal waara oo loo helo colaadda Galkacyo uu noqon karo muhiimad Dowladda Federalka ee dhismi doonto dhowaan.

HOOS KA AKHRI NUXURKA QORAALKA

NUXURA QORAALKA

  •  Gaalkacyo waxa ay ahayd magaalo qeybsan tan iyo sanadkii 1993, hase ahaatee colaadda kasoo cusboonaatay magaalada waxaa asal ahaan keenay loollan loogu jiro dhul iyo dhaqaale, wuxuuna loollankan sii xogeystey kaddib markii la dhaqan geliyey nidaamka federaalka.
  • Dib u heshiisiin dhab ah oo aan dhicin, labo maamul oo magaalada ka jira, aragtiyo khaldan oo bulshada ka dhex jira, dowladda dhexe oo aan tabar badan lahayn, iyo warbaahinta oo buunbuunisa colaadda ayaa waxa ay qeyb ka qaateen in colaadda Gaalkacyo daba dheeraato.
  • Waa in la sameeyaa guddi-bulsheed wadajir ah, kaasi oo ka kooban qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u bilaabaan wada-hadal iyo wada xaajood dhab ah oo horseed u noqda in nabad waarta loo helo colaadda Gaalkacyo. Maamullada Puntland iyo Galmudug waa in ay si wadajir ah isaga kaashadaan dhanka amniga isla markaana ay dhisaan guddi midaysan oo sugidda amniga ka shaqeeya, mas’uulna ka noqda sugidda ammaanka iyo xasiloonida magaalada.
  • Waxaa jira saddex qodob oo xal waara u noqon kara is mari-waaga Gaalkacyo. Xalka koowaad waa in magaalada Gaalkacyo ay noqoto magaalo ay dawladda dhexe maamusho. Xalka labaad waa mid gobolka Mudug u qeybinaya laba gobol, magaalada Gaalkacyo-na labo loo kala qeybiyo. Xalka saddexaad waa gorgortan iyo heshiis dhex mara labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, ayna ku heshiiyaan in midkood uu magaalada maamulo amaba ay dhistaan maamul wadajir ah. Daraaseynta iyo falanqeynta saddexdan qodob waxa ay aasaas u noqon doonaan xallinta is-heysiga ka imaanaya dhanka dastuurka, dhulka iyo dhaqaalaha ee u dhexeeya labada maamul ee ka jira gobolka Mudug.
  • Waa in laga gudbaa dhaqanka ah in hoggaamiyeyaasha bulshadu aaney sharciga ka cabsan. Shakhsiyaadka hurinaya colaadda Gaalkacyo waa in lagula xisaabtamaa dhibka ay shacabka u geysanayaan. Dilka iyo barakacinta dadka rayidka ah waa xadgudub weyn oo ka dhan ah sharciga dalka iyo shuruucda caalamiga ah ee bani’aadamnimada. Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waa in uu door weyn ka qaataa baaritaanka iyo laxisaabtanka xadgudubyada bini’aadamnimo oo ka dhaca Gaalkacyo.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON