Friday, June 27, 2025

Macaawisley Cusub oo Dagaal ka dhan ah Alshabaab ka biloway Gobolka Bakool & Magac cusub oo loo bixiyey..

Wararka laga helayo gobolka Bakool ayaa sheegaya in maleeshiyo degaan oo hubeysan (Macawisley) ay ka dhalatay Gobolka Bakool, iyadoo dagaal kala hortagtay maleeshiyada Alshabaab ee degaankaasi ka howl gasha.

Dagaalkii ugu horeeyay ee Maleeshiyada degaanka iyo Alshabaab ayaa ku dhex maray degaanka Yab-yab ee Degmada xuddur ee gobolka Bakool, dagaalka ayaa bilowday markii la sheegay in Kooxda Alshabaab ay si qasab ah xoolo uga kaxeysteen Dad xoolo-dhaqato ah, waxaana ka daba tegay saaka shacab is abaabuley ioo dagaal la galay Alshabaab si ay xoolahooda uga dhacsadaan.

Maleeshiyada iskood ula dagaalama oo Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe looga yaqaan Macawisley ayaa Gobolka Xudur looga bixiyey magaca ‘Cali Qaran’ , waxaana la sheegay in maleeshiyadan ay dagaal culus kadib ka furteen xoolihoodii, waxaa kadibna u gurmaday ciidamada dowladda.

Ugaas Cali Dirir oo ka mida dadka abaabulay maleeshiyada Degaanka ee la dagaalamaya ALshabab ayaa sheegey inay diyaar u yihiin iska difaacidda Alshabab, Taliyaha Ciidanka deegaanka Gobolka Bakool Cabdulaahi Aadan Maxamed ayaa warbaahinta dowladda u sheegay inayu adkeysan waayeen dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah ee maleeshiyada Alshabab, kadibna ay go’aansadeen inay hubka qaaataan,.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON