Sunday, July 13, 2025

Macawisley Weerar naxdin leh ku qaaday Qoys shacab ah, degaan ka tirsan Gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan degaanka ee loo yaqaan Macaawisleyda ay weerar ku qaadeen Guri ku yaalla degaanka Aboorey ee degmada Buuloburte.

Maleeshiyadan ayaa xalay u dhacay Guriga ku yaalla degaanka Abooreey ee Degmada Buula-burte, waxayna halkaas ku dileen Nin dhalinyaro ah, iyagoo dhaawacmay mid kale oo ninka la dilay ay walaallo ahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in arrin naxdin leh ay halkaasi ka dhacday, markii kooxda Macawisleyda ah ay Labada wiil ee walaallaha ah, ayna ka bixiyeen Xiniinyaha, waxaana weli nool mid ka mida wiilashii, balse xaaladisa caafimaad ay tahay mid halis ah, isagoo la geeyay Isbitaalka Guud ee magaalada Baladweyne.

Wiilashada la diay ayaa la sheegay inuu dhalay Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsan yahay Al-shabaab, kaaso degaankaas ka baxsaday, sidaasina lagu ciqaabayo wiilashiida.

Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa dhowaan sheegay inuu abaalmarin lacageed siin doono qofkii u keena Xaniinyaha dagaalamayaasha Al-shabaab.

Dagaal

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON