Dhowr madfac ayaa casirkii galabta ku hoobtay qeybo ka mida magaalada Muqdisho, iyadoo saameyn ku yeeshay garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir.
Ilaa laba Madfac oo hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay Garoonka Eng. Yariisow ee (Ex. Banaadir) ee degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho, iyadoo garoonkaasi ay u jimicsi tagaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Laba madfac oo kale ayaa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada C/casiis, waxaana ku dhaawacmay qof, iyadoo ay xaalad cabsi ah ka dhaliyeen dadkii xaafadahaasi deganaa.
Qasaaraha ay geysteen madaafiicdan oo aalaaba Alshabaab ay sheegato ayaan weli la shaacin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha Amniga Dowladda Soomaaliya.