Madaafiic hoobiyeyaal ah ayaa goor dhoweyd kusoo dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya iyadoo weerarkan aan la ogeyn meel laga soo tuuray.
Wararka ayaa sheegaya madaafiicda hoobiyeyaasha ay gaarayeen ilaa afar madfac, kuwaasoo ku dhacay xaafadaha degmada Wardhiigley ee agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
Lama oga khasaaraha ay geysteen hoobiyeyaasha ku soo dhacay madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aan wax war ah ka soo saarin laama ammaanka caasimadda Muqdisho.
Waxaa si joogto ah weeraro madaafiic ah loogu qaadaa madaxtooyada Somaaliya, waxaana sheegta kooxda Alshabaab, iyadoo hay’adaha ammaanka dowladda Federaalka awoodi waayeen inay wax ka qabtaan weerarada maalinta cad lagu qaadayo madaxtooyadii dalka iyo xaafadaha ku wareegsan.
Goobjooge.com