War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah lagu qaaday Xarunta madaxtooyada Soomaaliya.
Jugta dhowr madfac oo Hoobiyeyaal ah ayaa laga maqlay magaalada, kuwaasoo la sheegay inay ku dhaceen agagaarka Villa Somalia oo ah fadhiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay inay ku dhaceen degmada Wardhiigley, gaar ahaan agagaarka Daarta Shimbiraale oo aad ugu dhow Madaxtooyada, iyagoo sababay qasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac.
Ugu yaraan shan madfac oo Hoobiyeyaal ah ayaa ku dhacay agagaarka madaxtooyada, waxaase nasiib wanaag ahayd inuu qarxay oo kaliya mid ka mida Hoobiyaasha, ayna qarxi waayeen ilaa 4 kale.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in askari ka tirsan Ciidamada milateriga uu ku dhintay madfaca qarxay, askariga dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Shooli Ibraahim Muuse, iyadoo qof haween ahna ay ku dhaawacantay.
Weerarrada hoobiyeyaasha ah ee lagu qaado madaxtooyada ayaa sii socda xilli ciidamada ammaanka ay magaalada ku faafsan yihiin isla markaana la xiray wadooyin badan.
Goobjooge