Dhowr madfac ayaa caawa laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen in weerar Hoobiyeyaal ah lagu qaaday xarunta Xalane ee AMISOM iyo UNSOM.
Madaafiicda oo ilaa saddex ahaa ayaa ku dhacay gudaha xerada Xalane, waxaana ay ahaayeen kuwo is xigtay oo aanu waqti u dhaxeyn, iyadoo War kasoo baxay Alshabaab ay ku sheegteen mas’uuliyadda weerar madaafiic ah oo lagu qaaday saldhigga Xalane ee magaalada Muqdisho.
Alshabaab waxay sheegeen inay ilaa 5 madfac la heleen xerada, isla markaana uu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo kasoo saaray AMISOM. Ma jirto cid xaqiijisay arrintan.
Weerarrada madaafiicda ee Alshabaab ku qaado Xerada Xalane ayaa noqday kuwo joogto, waana markii saddexaad muddo laba bilood gudahood ah ee ay weerar noocan oo kale ah lagu qaado xerada.
Xafiiska Q/Midoobay ee Soomaaliya UNSOM ayaa xaqiijiyey weerarka madaafiicda, wuxuuna intaas ku daray in la qiimeynayo qasaaraha ka dhashay weerarka.