Madasha Badbaaado Qaran ayaa shir uga furmay magaalada Muqdisho, kaasoo barbar socda shir kale oo ay Afisyoone ku leeyihiin madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada taageersan.
Guddoomiyaha Madasha ahna guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa shegay inuu furmay shirkii koowaad ee Madasha Badbaadin Qaran, isla markaana uu socon doono inta laga gaarayo heshiis doorasho loo siman yahay oo la wada leeyahay.
Cabdi Xaashi oo barbar taagnaayeen Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni, Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed iyo xubno kale ayaa sheegay in dalku ku sugan yahay xaalad adag oo amni xumo, abaaro, cudurka Covid-19 iyo cakiraan siyaasadeed ah, ayna madashoodu isu taagtay sidii xaaladda adag looga saari lahaa dalka.
Madasha Badbaado Qaran ayaa waxaa dhistay o ku mideysan Dowladdaha Puntland iyo Jubaland, Midowga Musharixiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.







